Itoobiya oo beenisay sheegashada Al-Shabaab ee ah in 167 askari looga dilay Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa si kulul u beenisay hadal ka soo yeeray uruka Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, kaasoo ahaa in ay dishay 167 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool ee koofurta Soomalaiya.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ku tilmaamay sheegashada Al-Shabaab mid dacaayad ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo intaa ku daray in hal askari laga dilay.

Mukhtaar Maxamed Waare ayaa sheegay in Al-shabaab aysan awood u lahayn in ay dagaal saacado badan qaataan ay la galaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, isagoo ku ammaanay ciidamada dalkiisa inay yihiin geesiyaal geesiyaal.

Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dagaalyahanadooda ay weerar ku qaadeen laba kolonyo ah oo ciidamada Itoobiya ay ka sameysteen gobolka Bakool, iyagoo ku sii jeeday Xudur iyo Waajid. Kooxda ayaa intaa ku dartay in 167 askari ay kaga dhinteen weerarka.

Waare ayaa intaa ku daray in askarta ENDF ay yihiin kuwo xirfad leh, si wanaagsan loo qalabeeyay, isla markaana ay u abaabulan yihiin inay ka hortagaan khatarta Al-Shabaab. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli la kordhiyey howlgallada ay ciidamadu ka wadaan Soomaaliya.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari, qaarkood waxay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika, kuwa kalena waxay ku shaqeeyaan heshiis dhinaca ammaanka ah oo dhexmaray labada waddan ee Geeska Afrika ee deriska la ah.

Askarta EDNF ee la weeraray ayaan ka tirsanayn hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuwaas oo fadhigoodu yahay Muqdisho. Weli ma cadda tirada askarta lagu dilay weerarka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed