Israel oo janjabaad culus oo jeedisay kooxaha Xuutiyiinta kaddib markii la go’doomiyay maraakiibta u shiraacda dekedaheeda

Israel ayaa ku hanjabtay inay awood u adeegsan doonto  Xuutiyiinta Yemen oo ay taageerto dowladda Iran, iyadoo ay jirto hanjabaado ka dhan ah maraakiibta u shiraacda dekedaha Israel, oo la go’doomiyay.

“Marka laga hadlayo weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta caalamiga ah, weerarradan waxay khatar ku yihiin ganacsiga caalamiga ah iyo Israa’iil, khatartaas waxaa lagu xallin doonaa xoog,” Ofir Gendelman, oo ah afhayeenka ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa ku sheegay shir jaraa’id. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan bixin wax tafaasiil dheeri ah.

Horaantii Talaadadii,  Xuutiyiinta ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu qaaday markab shidaal siday oo ka babanaayay calanka Norway, kuna sii jeeday Israa’iil.

Xiisadda u dhaxeysa Xuutiyiinta Yemen iyo Israa’iil ayaa cirka isku sii shareertay, iyadoo ay weli socdaan duullaanka ay ciidamada Israa’iil ku hayaan marinka Qaza, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 18,412 qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 50,100.

Horaantii Talaadadii, militariga Mareykanka ayaa sheegay in gantaalka lidka maraakiibta oo laga soo riday Xuutiyiinta Yemen ee ay maamulaan uu beegsaday markab ganacsi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed