Israa’iil oo xasuuq ka geystay marinka Qaza isla markaana ay ku dhinteen ugu yaraan 70 ruux oo ay ku jiraan Shaqaale Qaramada Midoobay

Ugu yaraan 70 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo lagu qaaday xerada qaxootiga ee Maghazi, taasoo afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka Falastiin uu ku tilmaamay “xasuuq”.

Muuqaalo ay qabteen saxafiyiinta Falastiiniyiinta oo Aljazeera ay xaqiijiyeen ayaa muujinaya ilmo yar oo ka mid ah dadka dhintay, waxaana tobonaan meyd ah la geeyay isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa ee Gaza.

Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa waxa ay ku dhufatay waddooyin muhiim ah oo u dhexeeya xeryo qaxooti oo ku yaalla bartamaha Qaza, taas oo caqabad ku noqotay in ambalaasyada iyo shaqaalaha caafimaadka ay ka qeyb galaan oo u gurmadaan dadka dhaawaca ah.

Issam Al Mughrabi, oo 56 jir ah, una shaqaynayay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP, muddo soddon sano ah, ayaa lagu dilay duqayn dhinaca cirka ah oo ay fulisay Israa’iil isaga xaaskiisa iyo carruurtiisa.

Jimcihii, Xoghayaha Guud ee Ururka Caalamiga ah Antonio Guterres, ayaa sheegay in intii ay jirtay Qaramada Midoobay, aysan waligood arag dhimashada shaqaalahooda.

In ka badan 20,400 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israel tan iyo 7-dii October.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed