Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo dagaal kula jira abaaro cudurro iyo barakac kaddib saameyn baaro daba-dheeraaday

w
Dowlad Deegaanka Soomaalida ,ayaa laga soo sheegayaa abaaro daba-dheeraaday oo aad u ba’an 2020 ilaa 2023 isla markaana sababay dhibaatooyin deegaan iyo mid dhaqaale labadaba kuwaas oo weli baabi’inaya hab-nololeedka deegaanka. Waxaa xaaladda uga sii daray rabshadaha iyo fatahaadda El Niño, taas oo halis weyn gelinaysa bulshada xoolo-dhaqatada iyo beeralayda ah ee ku dhaqan gobolka, isla markaana sii kordhinaysa cunto yarida.

Deegaanka Soomaalida ayaa ah degaano kala duwan oo ay ka mid yihiin dhul-daaqsimeedka sida Afdheer iyo Fiq, dhul-beereedyo iyo dhul-oomane ah sida Jijiga. Deegaanadan ayaa waxaa si weyn u saameeyay masiibooyinka deegaanka, kuwaas oo waxyeelo u geystay dhaqaalihii deegaanka ee ku tiirsanaa xoolaha iyo beeraha.

Afartii sano ee la soo dhaafay, gobolka waxaa soo maray taariikh ahaan heerar sare oo cunto yari. Inta badan xoolihii aay dhaqanayeen dadka oo ka dhammaday biyo iyo baad la’aan baahsan, iyadoo hoos u dhac ku yimid dakhliga qoyska oo gaaraya 35% xoola dhaqatada iyo 25% beeraleyda dalagyada beeraha.

Barakaca ayaa sii kordhinaya dhibaatada gobolka, iyadoo in ka badan 1 milyan oo qof oo barakacayaal ah ay la daalaa dhacayaan cunto yari iyo helitaan dhaqaale oo kooban iyo adeegyada aasaasiga ah.

In ka badan saddex-meelood labo ka mid ah qoysaskaan ma dabooli karaan xitaa kala bar baahiyahooda aasaasiga ah waxayna bilaabeen xeelado lagula tacaali karo xaaladda degdegga ah ee deegaanka, taasoo sare u qaadaysa khatarta cudurrada dillaaca, oo uu ku jiro daacuunku.

Kaliya 24% qoysaska ayaa sheegay in ay heleen wax gargaar bini’aadanimo sanadkii la soo dhaafay, iyadoo qaar badan ay walaac ka muujiyeen ku filnaanta iyo tayada gargaarka la helay. Baahiyaha halista ah ee lagu sheegay qiimeynta hey’adda REACH ayaa xooga saaraysa baahida loo qabo dadaallo wadajir ah oo kor loogu qaadayo haqab-beelka cuntada, soo celinta iyo horumarinta hab-nololeedyada, hubinta helitaanka biyo nadiif ah, iyo xoojinta adeegyada caafimaadka iyo nafaqeynta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed