Isimmada SSC oo Fariin Culus u Diray Soomaaliland Iyaga oo Soo Bandhigay Ciidanka Boolis ah.

Isimmada Magaalada SSC ee Khaatumo ayaa Fariin Culus Soomaaliland oo ku aadan in Ciimada ah kala baxaan deegaannada ah kaga sugan yihiin Gobolka SSC, isla markaana ay u hoggaansamaan baaqyada Caalamiga ah.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo qudbad ka jeediyay Gudaha Magaalada Laascaanood ayaa sheegay in Soomaaliland si deg deg ay dhammaan Ciidankeeda uga saarto Magaalada, Garaadka ayaa Dhankale tilmaamay in Maanta Ciidamada Millatatiga Soomaaliland ay Madaafiic ku soo tuuraan gudaha Magaalada Laascaanood, iyo Sidoo kale Maalintii Ciida.

Dhanka kale Ciidamo Boolis oo ka howgalli doonaan Deegaannada SSC ayaa lagu soo bandhigay Magaalada Laascaanood kuwaas la sheegay in ilaalin doonaa ammaanka iyo Nabadgalyada gobolka.

Ciidanka la soo bandhigay ayaa waxaa goobjoog ka ahaay Isimmada SSC Khaatumo kuwaas oo dardaaran i jeediyay Ciidankaan Booliiska kaas oo ku aadan in ay ilaaliyaan Deegaannada SSC iyo guud ahaan Gobolka, Ciidamada ayaa ballan qaaday in ay fulin doonaan howsha loo idmaday ee deegaanka.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso iyada oo wili Ciidanka Soomaaliland ay ku sugan yihiin duleedka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana guul dareeystay baaqyo kala duwan oo ah saareen Wakiilada Beesha Caalamka ee ku saabsanaa kn Soomaaliland ay Ciidamada ah kala baxdo Magaalada si looga horto dhibaatada dagaalka, miiska wada hadalkana la iskugu yimaado.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed