Isimmada SSC-khaatumo oo Jawaab Ka Bixiyay Baaqii Ka Soo Baxay Qaramada Midoobay.

Isimmada SSC-Khaatumo ayaa soo dhaweeyay bayaankii ay soo sareen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay kuwaas oo si adag kaga hadlay colaada magalaada Laascaanood, waxayna ku baaqeen si bilaa shuruud ah ay ku joojiyaan dagaalada dhinacyada isku hayaa magaaalada, miiska wada hadalkana la isku kugu yimaado.

Bayaann ka soo baxay hoggaan  SSC ayaa ugu horreyn  lagu soo dhaweeyay baaqa Golaha Ammaanka ee ku saabsanaa in ciidanka Somaliland laga saaro aagga magaalada Laascaanood, waxayna hoosta ka xariiqeen ay ay soo dhaweynayan hadlkaasi diyaarna u yihiin in ay xal laga gaaro xaalaadda magaalada Laascaanood, SSC ayaa sidoo kale in ay ahmiyad siinayaan in laga shaqeeyo nabada Laascaanood taas oo fure oo noqon karto in Somaliland ay ka saarto Ciidankeeda.

“Qoraalka maanta ee Golaha Ammaanku waa talaabo muhiim ah oo ku aadan sugida nabada waqooyiga Soomaaliya, Golaha Sarre waxa uu markastaba ku baaqayay in maleeshiyaadka Somaliland ay ka baxaan dhulka SSC, taasi oo ah jidka kali ah ee nabada” ayaa lagu yiro qoraalkii ka soo baxay guddiga sare ee hoggaanka SSC-Khaatumo.

SSC ayaa si qoto dheer uga hadlay hadalka ka yimid Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna kaga mahad celiyeen baaqa ay soo sareen ee ku aadan xal u helida Laascaanood iyo Somaliland ay Ciidankeeda kala baxdo magaalada, kuwaas oo ku tilmaamay wadadii nabad haddii dib looga celiyo Ciidanka halkii ay ka yimaadeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed