Isimmada maamulka  Puntland oo shir xasaasi ah uga furmay magaalada Garowe xilli ay cakiran tahay khilaafka arrimaha doorashoooyinka maamulkaas

Isimmada maamulka  Puntland ayaa shir looga hadlay arrinta cakiran ee khilaafka doorashada uga furmay magaalada Garowe ee caasimada maamulkaas, shirkaan ayaa xal looga raadinayaa in la qabto doorasho la isku raacsan yahay.

Shirkaan wadatashiga ah ayaa waxaa hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo aad looga yaqaan maamulka Puntland, sidoo kale waxaa qeyb ka ah jilbo culus kale, kuwaas oo diirada saaraya in ay labada dhinaca ee Xukuumadda iyo Mucaaradda ay dhex dhigaan hishiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Dallada  mucaaradka ayaa horey  u soo jeediyay in xaaladda gobolka ee cakiran ay kaalintoda ka qaataan Isimadda Puntland, iyaga oo walaac xooggan ka muujiyay arrintqa doorashada oo ay sheegeen Saciid Cabdullahi Deni uu doonayo doorasho baalmarsan sharuucda, asaga oo doonaya muddo kororsi sharci darro ah sida ay hadalka u dhigeen.

Qaar kamid ah Isimadda oo ka soo muuqday warbaahinta ayaa sheegay in shirka ay isku yimaadeen ay diirada ku saarayaan xal u helida arrimaha doorashooyinka maamulkaas taas oo si weyn la iskugu khilaaf san yahay, waxaa ay hoosta ka xariqeen in  si daacadnimo oo dhexdhexaad ah u falaqayn doonaan arrimaha la isku hayo, iyada oo Xukuumadda talada heysa ay ku adkeysaneyso in ay qabanayaan doorasho qof iyo cod ah, halka mucaraadkuna ay gaashaanka u daruureen arrintaas, kuwaas oo doonaya doorashooyinkii hore ee ku dhisneed habka qabaliga.

Shirka Garowe uga furmay isimada Puntland, ayaa ku soo beegamayo iyada ii magaalada Garowe maalmahaan laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay kala sameynayaan kooxaha mucaaradka iyo madaxweyne Deni, waxana laga cabsi qabaa in dagaallo culus ay dhici karaan haddii aanan xal laga gaarin arrimaha doorashooyinka  ka hor 8 Janaayo ee 2024, xilligaas oo uu ku eg tahay xil-heynta Saciid Cabdullaahi Deni.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed