Isbeddel lagu sameynaayo doorashada Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa ee Puntland

Baarlamaanka maamulka Puntland shaaca ka qaaday in isbeddel rasmi ah lagu sameynaayo, iyaga oo sidoo kale sheegay in la beddelayo hannaankii lagu dooran jiray Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxana meesha laga saarayaa qaabkii hore oo ku qorneed dastuurka maamulkaasi taniyo markii la sameeyay.

Baarlamanka ayaa faafiyay  in wax laga beddelayo qodobka 56-aad ee dastuurka, kaas oo  dhigaya in madaxweynaha ay soo doortaan baarlaamka ku yimid codka shacabka.Taas oo ka dhigan in dadka shacabka ah ay soo dooran doonaan madaxweynaha Puntland.

Dhanka kale waxaa la furayaa qodobka 46aad ee dastuurka, si loo kordhiyo tirada xisbiyada Puntland , loona waafajiyo hannaanka doorashada ee haatan lagu wado in laga qabto deegaannada maamulkaasi.

Qodobka 7-aad ee dastuurka ayaa wax laga beddeli doonaa, iyada oo la waafajinayo
gobolka Gardafu oo laga jaray gobolka Bari  si ay isku waafaqaan.

Ugu dambeyntii  Doorashada Puntland  oo hab baarlamaan lagu soo dooranayayay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa  24 kii sano ee lasoo dhaafay, waxana dood culus ka taagan tahay dhaqan galka wax ka beddelka dastuurka maamulkaas oo wajahaya mucaraad adag.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed