Is rasaaseyn ka dhacday magaalada Garowe oo dhalisay khsaaro iskugu jiro dhiamsho iyo dhaawac

Hal qof ayaa ku dhintay oo dumar ah, halka ugu yaraan  seddex kale ay ku dhaawacmeen  iska horimaad ka dhacay magaalada Garowe, isla markaana  waxaa ka dashay xiisad culus oo aad looga hadalyo guud ahaan deegaannada maamulkaas.

Dhacdadaan ayaa timid ka dib dad iskugu soo baxay  bannaanbax lagu tagaeerayay hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo ay ku jireen ciidamada maxuufid ah, isla markaana  galbinaayay Will You Tuber ah, oo kamid ah dadka Warbaahinta bulshada ka taageero madaxweynaha Puntland , taasoo keentay  in ciidamo taabacsan mucaaradka ay rasaas ku furaan, ciidamadii iy dadkii shacabka ahay ee isku soo baxay, kuwaas oo diidanaa in halkaas lagu qabto isku soo baxa lagu taageerayay xukuumadda dooneysa doorasho qof iyo cod ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wiilka You Tuber-ka ah ee aadka u taageero madaxweyne Deni horay loogu goodiyay in bannaanbax uusan ku qaban doonin magaalada Garowe, asna uu ku adkeystay in uu ku qaban doono, hadaldaas horay la isku dhaafsaday ayaa lagu sheegay  in ay salka ku heyso shaqaaqadii ka dhacday maanta magaalada Garowe.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed