Dib u bilaabida wadahadaladii Soomaaliya & Somaliland oo la isku afgartay

Madaxweynaha  Somaliland ayaa kulan la yeeshay Ergeyga gaarka ah  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay kulankaan ayaa looga hadlay arrimo kala duwan, oo ay ugu horreyaan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, dagaalka magaalada Laascaannood iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Muuse Biixi Cabdi iyo Catriona Laing, ayaa dood dheer ka yeeshay wada-hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo arrinta la iska waydaarsaday suurtagalnimada lagu bilaabi lahaa wada hadalka, labada dhinac ayaa isla wadaagay in arrintaasi ayb tahay mid wanagsan oo xali waara looga gaarayo wada hadalka.

Sidoo kale waxa kulanka lagaga hadlay xaaladda guud ee la xariirta  colaada Laascaanood sidii xal nabadeed looga gaar lahaa, Ergeyga gaarka ah  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in loo baahan yahay wa hadal lagu xalinaayo dagaalka Laascaanood, iyo sidii loo kala qaadi lahaa ciimadda is hor fadhiya, dhankiisa Muuse Biixi ayaa sheegay in mar walbe ad diyaar u yihiin xal in loo heli colaada Laascaanood.

Ugu danbayna Kulankaasi waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in ay si dhaw u wada shaqeeyaan labada dhinac Soomaaliya iyo Somaliland. kulankaan ayaa imaanaya  iyada oo maalmo kahor ay kulmeen Ergeyga gaarka ah  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Ergayga gaarka ah ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Guuleed, kulankaas ayaa looga hadlay sidii lagu bilaabi lahaa wada hadalka labada dhinac.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed