Ingiriiska iyo QM oo Kala Saxiixday Hishiis Malaayiin Dollar ah oo La Siinaayo Soomaaliya.

Qaramada Midoobay iyo dowladda Ingiriiska, ayaa gaaray hishiis wax looga qabanayo dhibaatooyinka dhanka bini aadanimada ee Soomaaliya, kaas lagu caawinayo dadka u baahan gargaarka bini aadanimo.

Hishiiskaan ayaa looga dan-leeyahay, in Soomaaliyo lagu bixiyo malaayiim dollar oo ay labada dhinac iska kaashayanayaan, waxaa diiradda la saari doonaa in adeegyo deg deg ah lagu bixiyo si loo badbaadiyo dhimashada dad badan oo ay saameysay abbaarta muddooyinkii dambe ka jirtay Soomaaliya, waxana u sii dheer fatahaado xooggan iyo robab sababay dhimasho iyo barakac.

Saraafada Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ay ja go’an tahay bixinta 7 milyan oo dollar taas lagu bixinaayo hannaanka hishiiskii ay wada gaareen Qaramada Midoobay.

Safaraada UK ayaa shaaca ka qaaday  in dhaqalahaan ay wax badan ka ka beddelin karaan xaaladda bini aadanimo ee Soomaaliya, markii loo bixiyo sidii loogu talagalay, iyada UK aya ka goa’an tahay in si deg deg ah loo meel mariyo hishiiskaas, waxana ka faaiideysan doono malaayiin Soomaali ah, kuwaas oo u baahan adeeg deg deg ah.

Bayaanka ka soo baxay dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in taageerada joogtada ah oo ay Soomaaliya siiyaan in ay sii laba jibaari doonaan, iyaga oo caddeyayn muhiimada ay leedahay arrintaas.

Hishiiskaan waxaa kala sixiixday, Safiirka UK ee Soomaaliya  Mike Nithavrianakis  iyo isku duwaha arrimaha bini aadanimada Soomaaliya Mr George Conway.

HB NEWS DESK

 

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed