Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howgal qorsheysan ay ku dileen in ka badan 60 ka tirsan dagaal yahanada Al shabaab gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-qaboobe oo qiyaaastii 30km dhanka koofureed kaga beegan Magaalada Xagardheere ee gobolka ee Galmudug.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Gen Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay gubeen Gaari TM ah oo ay Al shabaab ka soo buuxiyeen qaraxyo sidoo kalana gacanta lagu dhigay Gaari nooca loo yaqaan qooqanta ah, kaas oo lagu soo bandhigay baraha Internet-ka.
Dhanka kale hawlgalkan ayey dowladdu sheegtay in lagu qabtay tiro maxaabiis ah ka tirsan Al shabaab, Saraakiisha ayaa sheegtay in si wadi doonaan howlgallada dalka looga xorreynayo Xarakada Al shabaab.
Majiraan wax war oo ka soo baxay ilaa hadda dhanka Al shbaab ee ku aadan howlgalka lagu dilay ee Ciidankooda.
Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya iyada oo ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in bilaabi donaan howlgalka Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al shabab.
HB News Desk