In Ka Badan 40 Dagaal-yahan oo Al Shabaab Ka Tirsan oo La Dilay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in badan 40 dagaal yahan oo ka tirsan Al shabaab, in lagu dilay howgal ka dhacay gobolka Jubada Hoose, halkaas oo laga fuliyay howgal qorsheysanaa.

Dagaalka ka dhanka ah -shabaab ayaa  ciidanka dowladda, kuwa Jubaland iyo Saaxiibada caalamka waxay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Jubada Hoose, dagaalkaan socday Saakay ilaa xalay, waxaa uu ka  dhacay deegaanno hoostaga Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

“Hawlgalka oo dhacay saddex jeer oo kala duwan waxaa lagu beegsaday goob ay kooxaha Khawaarijta isku soo uruursadeen. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ilaa iyo 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay hawlgalkaasi” sidaasi waxaa lagu yiro qoraal ka soo baxay dowladda.

Dowladdu waxaa ay intaas raacisay, in hoggaamiyaal ka tirsan -shabaab lagu dilay weerarkaas.

Sidoo kale bayaan ayaa lagu sheegay in ay burburiyeen fariisimo Al-shabaab ay ku la haayeen deegaannada howgalka dhulka iyo kan Cirka ay ka fuliyeen Ciimada Soomaaliya iyo Saaxiibada taageera dowladda.

Warkaan ayaa imanaya, iyada oo dhawaan lagu dhawaaqay howgalka wajiga labaad ee Al-shabaab.

HBN NEWS DESK.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed