In ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay koofurta gobolka Mudug

Dowladda Soomaaliya ayaa saheegtay in ay dileen xubno badan oo ka tirsanaa dagaallamayaasha Al shabaab, weerar culus oo ka dhacay koofurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada xoogga dalka  ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Shabeelow ee koonfurta gobolka Mudug waxa ay ku dileen in ka badan 30 ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa sdioo kale lagu burburiyay saldhiga ay la haayeen kaas oo difaac u ahay  , waxaana la gaarsiiyay jab xooggan sida lagu sheegay warbixinta ka soo baxday dowladda.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya xilli maalmo ka hor ay dowladdu sheegtay in la bilaabayo wejiga labaad ee dagaalka guud ee ka dhanka ah dagaalyahannada kooxda Al shabaab.

Sawirro lagu baahiyay warbaahinta ayaa muujinayay khasaaraha xooggan ee soo gaaray AL shabaab, kuwaas oo lagu soo bandhigay xiriirka bulshada.

Dowladda ayaa muddooyinkii dambe waday howlgallo culus oo ka dhan ah Al shabaab, waxaana looga saaray deegaannoo badan oo istaraatiiji ah oo ku yaal Galmudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed