In ka badan 30 Al shabaab ah oo lagu dilay xadka Sh Dhex & Galgaduud

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dileen dagaal yahano ka tirsan Al-shabaab, kadib howlgallo ka dhacay xadka Hirshabeele iyo Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Goballada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.

Hawlgalka oo Ciidanku ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Ururka Al-shabaab ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan sida ah faafisay dowladda, iyada oo Ciidamadu kala wareegeen Hub iyo agab kale oo Ciidan.

Ciidamada xoogga ayaa burburiyay saldhiggii Al-shabaab, saraakiisha ayaa sheegay  in ay sii wadi doonaan howgallada.

Taliyaha guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cabdullaahi ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay, howgalladaas lagu dilay Al-shabaab.

HBN MEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed