In Ka badan 120 Maxaabiis oo ay Cafis u Fidisay Dowladda Soomaaliya.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa baxaabiis kor u dhaafeysa ilaa 120 ruux u fidiyau Cafis kuwaas oo laga siidaayay Xabsiyada kala duwan ee ku yaallo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Maxaabiistaan ayaa wadar ahaan gaareyso ilaa 127-maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye,kuwaas oo saakay la sii daayay Munaasabadda Ciidda awgeed.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa sheegayn in hadal  soo jeedin u sameeyay madaxweynaha JFS in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee KM7.

Maxaabiistaan ayaa iskugu jiray Ciidan iyo Shacab kuwaas oo lagu soo qabtay dambiyo Fudud.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed