In ka badan 100 kun oo ku barakacay roobab iyo daadad xooggan oo ku dhuftay maamulka Koofur Galbeed iyo digniino culus oo baxay

Daadad xooggan oo ka dhashay roobab xooggan oo  da’ay ayaa barakiciyay 107,000 oo qof oo ku nool degmada Baydhabo ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada bayaan ay soo saartay.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegtay in guryo dadan cooshado ah, oo ay ku noolaayeen in ka badan 86,700 oo barakacayaal ah oo ku noolaay 136 goobood uu saameeyay fatahaadaha gobolka iyo daadadka.

OCHA waxay sheegtay in badi dadka barokacay ay u guureen ka fog magaalada, una dhow tuulooyinkooda. “In la tago meelaha ay dhibaatadu ka dhacday waa caqabad maadaama waddooyinka qaar ay go’doomiyeen daadad baahsan” OCHA ayaa tiri.

Maamulka degmada Baydhabo ayaa u diyaar garoobaya gurmadka, waxaana ay ka codsadeen Hay’adaha Samafalka iyo Beesha Caalamka in ay gacan ka geystaan ​​baahiyaha deg degga ah, iyadoo dhanka kalena ay taageero dheeri ah ka geysanayaan howlaha gurmadka iyo diyaar garowga socda, iyadoo la eegayo saadaashii la saadaaliyay ee El Nino.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 1.2 milyan oo qof iyo 1.5 milyan oo hektar oo dhul wax soo saar ah ay halis sare ugu jiraan fatahaadda Soomaaliya. Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa sheegtay iyaduna inay u baahan tahay 11.8 milyan oo doolarka Maraykanka ah si kor loogu qaado tallaabooyinka muhiim ah, oo ay ku jirto khariidaynta meelaha ay fatahaaduhu ka dhici doonaan ka hor “super El Nino” oo  mid naadir ku ah Soomaaliya.

FAO waxa ay sheegtay in qorshahani uu qayb ka yahay qorshaheeda wax ka qabashada caalamka, kaas oo lagu beegsanayo 25 dal oo khatar weyn ugu jira saamaynta El Nino ee hab-nololeedka beeraha iyocuntada.

Hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si degdeg ah u kordhinayso digniinteeda hore iyo tallaabada la filayo, iyada oo ujeedadu tahay in la ilaaliyo hal milyan oo qof.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed