In ka badan 100 dhalo oo qamri ah oo lagu soo bandhigay magaalada Garowe kadib howlgallo culus oo ay sameeyeen ciidanka booliiska

Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Saldhiga Galbeed ee Degmada Garoowe ayaa hawl-gal ay sameeyeen ku soo qabtay 109 Dhalo oo Kamri ah, kuwaas oo lagu soo bandhigay taliska booliiska maamulkas.

Taliyaha Howlagalinta Gobolka Nugaal Kabtan Siciiid Axmed Faarax iyo Taliyaha Saldhiga Galbeed ee Garowe Seddex xidigle Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad Miig iyo Ku xigeen kiisa ayaa bulshada uga warbixiyay Howlgalkan iyo sida ay usoo qabteen, kuwaas ka dhawaajiyay in laamaha amniga ay heleen macluumaadka ku saabsan qanriga.

Kadibna howlgal culus oo ay sameeyeen waxaa u suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo qamriga kadibna ay u soo bandhigaa saxaafada. Ciidanka Booliska ayaa xoojiyay hawl-galada looga hor-tagayo falalka amni xumo ee caasimadda oo inta badan ay sababaan dadka isticmaala maandooriyaha ama ka ganacsadda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed