Imaaraadka Carabta oo Sheegay Mushkiladda Heysta Dowladnimada Soomaaliya Xalkana Ka Dhawaajiyay.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in aad ka walaac santahay khatar Ururka Al-shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya, kuwaas oo weearo halis ah ku fuliya koofurta iyo bartamaha dalka, waxana ku dhinta kuna dhaawacma dad shaca ah, Ciidaanka dowladda iyo Ciimada ATMIS ee ka howlgalla Soomaaliya, waxana intaas sii dheer burburka soo gaara goobaha ay weeraraan.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan ayaa ka dhawaajiayy in falalka A-shabaab ee gudaha dalka, gaar ahaan weerarada naafeynaya yoolka hammiga siyasaadeed, mid dhaqaale, midna amni ee soomaaliya.

Sheikh Shakhboot Bin Nahyan ayaa sheegay in in sanadkaan 2023 weeraro iyo dhacdooyin argagixisanimo Soomaaliya laga diiwaan galiyay, waxana ku dhintay dad badan oo iskugu jiro shacab, Ciidan iyo barakac xooggan deegaannada ay ka dhaceen weerarada A-shabaab.

Imaaraadka Carabta ayaa beesha caalamka ka codsaday in kor loo qaado taageerida Soomaaliya dhnaka bini’aadantinimada, ammaanka, iyo isbedelka cimilada ee Soomaaliya, Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta dib u heshiisiinta, dib u cusboonaysiinta nidaamka doorashada, iyo sare u qaadida wadashaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada iyadoo loo marayo Golaha Wadatashiga Qaran.

Si kastaba, Imaraadka ayaa kamid ah waddamada xiriirka fiican ee soo jireenka ah  la leh Soomaaliya, kuwaas oo Soomaaliya ka taageeray Ciidamo kala duwan oo dhawaan lagu soo tababaray dalal badan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed