Ilaalada xeebaha Tunisia oo badda ka soo saaray meydadka 13 tahriibayaal ah iyo xiisad culus oo ka jirto dalkaas

Ilaalada xeebaha Tunisia ayaa sheegay in ay soo saareen meydadka 13 tahriibayaal ah kadib markii markab ku qaraqmay magaalada Sfax, oo ah dekedda halkaas oo ay ka dhaceen rabshado todobaadkii hore oo u dhexeeyay muhaajiriin iyo dadka deegaanka.

Urur u dooda xuquuqul insaanka Tuniisiya ayaa ka digay xaaladda dadka muhaajiriinta ah ee laga soo eryay dekedda Sfax, iyagoo ku baaqay in la sameeyo hoy degdeg ah oo lagu dejiyo. Boqolaal muhaajiriin ah ayaa ka qaxay ama lagu qasbay in ay ka baxaan magaalada labaad ee ugu weyn Tunisia ka dib markii ay soo ifbaxday xiisado isir nacayb ah oo ka dhashay dilkii 3-dii Luulyo nin u dhashay Tunisia oo ay isku dhaceen dadka deegaanka iyo muhaajiriinta.

Sfax waa magaalada labaad ee ugu weyn Waqooyiga Afrika waana goob ay ka dhoofaan muhaajiriinta doonaya inay gaaraan xeebaha Yurub ee mara badda Mediterranean-ka.

Dad badan ayaa isku dayaya safarka halista ah ee doomaha macmalka ah, ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa sheegay in ku dhawaad ​​2,500 ay ku dhinteen ama lagu waayay badda Mediterranean sanadkan oo kaliya.

Jasiiradda Lampedusa ee Talyaanigu waxay qiyaastii 130 kiiloomitir (80 mayl) u jirtaa xeebta Tuniisiya, waxayna bartilmaameed u tahay isku dayo badan oo tahariibayaal ah.
Todobaadki hore Sfax waxaa ka dhacay iska horimaadyo xoogan ka dib markii nin Tunisian ah oo degan magaalada lagu dilay tooreey ka dib markii ay isku dhaceen muhaajiriin 3-dii Luulyo.

Boqolaal muhaajiriin ah oo ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ayaa ka qaxay ama si qasab ah looga saaray magaalada. Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay geeyeen dhulka saxaraha durugsan ee u dhow xudduudaha Liibiya iyo Aljeeriya oo ay uga tageen halkaas.

Inta u dhaxaysa 100 iyo 150 muhaajiriin ah ayaa weli ku xayiran xudduudda Liibiya ee u dhow aagga militariga ee Ras Jedir, sida ay sheegtay Human Rights Watch.
HRW ayaa sheegtay in koox kale oo ka kooban 200 oo muhaajiriin ah lagu daayay si ay naftooda ugu badbaadiyaan xudduudda militariga Tunisia ay la wadaagto Aljeeriya, iyadoo kooxaha gurmadka ay ku sii jeedaan si ay u caawiyaan.

Goob joogayaal ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in kolonyada muhaajiriinta ah ay ku daadiyeen deegaano kala duwan oo ku teedsan xuduuda Tunisia ay la wadaagto Algeria oo 1,000-km u jirta.

Tuniisiya waxaa kor u kacay weerarrada ku saleysan isir naceybka ka dib markii madaxweyne Kais Saied bishii Febraayo uu ku eedeeyay “kooxaha” muhaajiriinta aan sharciga lahayn inay keeneen rabshado, wuxuuna ku eedeeyay qorshe dambiyeed oo lagu beddelayo qaab-dhismeedka dadweynaha ee waddanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed