Howlgallo ka dhan ah Al shabaab oo ciidanka dowladdu ka fuliyeen Shabeelada Dhexe

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al shabaab ka sameyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, howlgaldaan ayaa la xiriiray dhanka amniga deegannaas, oo ciidamadu ka war heleen in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al shabaab.

Howlgalladaan ayaa ka dhacay  degmada Ruun-nirgood iyo degaanka hiloowle-Gaab ee gobolka Shabeellaha dhexe, saraakiisha ayaa sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgalkaan lagu xaqiijinaayo amniga deegaannadaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim sheekh Muxyadiin Cadow oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in howlgal qorsheeysan oo ay sameeyeen Guutooyinka Cumar Binu-Khadaab, Guutada 17-aad kumaandooska Gor-gor, iyo Guutada 19- ee Ilaalo Qaran lagu xaqiijiyey amaanka degmada Ruun-nirgood iyo degaanka Hiloowle Gaab.

Si kastaba, muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa howlgallo ka sameynayay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe, waxana lagu burburiyay fariisimo Al shabaab ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolkaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed