Howlgallo ka dhan ah Al shabaab oo ciidamada dowladdu ka fuliyeen gobolka Hiiraan

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka sameyay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, howlgalladaan aya ahay kuwa lagu xaqiijinayay ammaanka, waxana ciidamdu ay ka war heleen dhaqdhaqaaqyo Al shabaab ay ka wadaan deegaannada howgalka laga fuliyey.

Howlgalladaan ayaa ka dhacay deegaanno hoos yimaado degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al shabaab.

Taliyaha Qaybta 27aad Ciidanka Dhulka  G/Sare Faarax Kooshin ayaa sheegay in howlgalladaan ay si wadi doonaan, isaga oo intaas raaciyay in dadka shacabka ah ee daggan gobolka ay la wadaageen macluumaad ku saabsan in Al shabaab ay wadeen dhaqdhaqaaqyo iyo weeraro balse ay ka hor tageen.

Howlgallada Ciidamada dowladda  kuwa degaanka ay sameyeen ayaa la xiriiro sugitaanka ammaanka gobolka, sida uu sheegay taliyaha hoggaaminaayay.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sameynayay howlgallo ka dhan ah Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed