Howlgallo ka dhan ah Al shabaab oo ciidamada dowladda ka fuliyeen Galgaduud

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaanno hoos tago degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, ciidanka ayaa cagta mariyay fariisimo Al shabaab ay ku lahaayeen deegaannadaas, kadib markii ay helaan macluumaad ka yimid dadka deegaanka.

Deegaannada howlgallada laga sameeyay ee ku yaal dhulka hawdka ah waxaa kamid ah, Galgoof, Alfuraad, Gal libaax, Ceel qurac, waxana la sheegay in Al shabaab halkaas ay ka wadeen arrimo lacag loo qaadaayo dadka deegaanka oo loogu yeero Sakawaad, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada hoggaamineysay.

Saraakiisha ayaa intaas raacisay in ay sii wadi doonaan howgalladaan Al shabaab looga xorreynayo deegaannada hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, faah faahin dheeraad ah lagama bixin khasaaraha ka dashay howlgalladaas.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed