Howlgallo ka dhacay Jubada Hoose oo lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaaa shaacisay in ay dileen 7 xubnood oo ka tirsan Ururka Al shabaaab howlgal ka dhacay gobolka ee gobolka Jubada Hoose, sidoo kale howgalkaan ayaa lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

Howlgalladaan ayaa ka dhacay Tuulada Kuuba-Kabir oo u dhow deegaanka Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose, xogt ayaa intaas ku dareysa in Al shabaab ay qorsheyneyn weeraro ka dhan ah ciidmada dowladda iyo kuwa Jubaland ee ku sugan gobolkaas.

Saraakiisha ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan howlgalladaan Al shabaab looga xorreynayo deegaannada ay ka heystaan Jubada Hoose, iyaga oo intaas raaciyay in ay ku raad joogaan xubnihii ay weerarka ku qaadeen.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Daraawiishta Jubbaland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka dhanka ah  Al-shabaab ka waday deegaannada Jubbooyinka, howlgalladaan ayaa salka ku haya dagaalka wajiga labaad ee Al shabaab looga saarayo Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed