Howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug kuwaas oo lagu burburiyay fariisimo ay ku sugnaayeen Al shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al shabaab ka sameeyay deegaano ku yaal gobolka Shabeelada dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, sidoo kale howlgalka ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Guutada Khaalid Binu waliid ee ciidanka xoogga Soomaaliya  ayaa burburiyay fariisimo dhulka miyiga ah oo ay Al shabaab ku sugnaayeen, sida ay sheegeen taliyaasha ciidamada.

Maxamed Dhagaweeyne oo hogaaminyay howlgalkaan sifaynta ah ayaa Warbaahinta u sheegay  in dhulka howdka ah ee hoostaga dagmooyinka Run-nirgood, Galcad ay ku burburiyeen fariisimaha horleh oo Al shabaab dhawaan aas aaseen.

Wuxuu taliyuhu intaas ku daray inay sii wadi doonaan howlgalladaan ka dhanka ah Al shabaab, kuwaas oo uu sheegay in ay ku raad joogaan, sargaalkaan ayaa ka dhawaajiyay in kooxdu ay ku dhuumaalaysanayaan deegaano dhaca  gobolka galgaduud iyo Shabeelada Dhexe.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed