Howlgallo ka dhacay duleedka Afgooye oo la sheegay in lagu qabtay xubno looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin Al shabaab

Ciidamada Booliska sida gaarka ah  uu u tababaray Turkiga ee Haramcad ayaa hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay koonfurta magaalada Afgooye, oo 30 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, halkaas oo laga helay macluumaad ku saabsan xubno ka tirsanaa Al shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay bartilmaameedsadeen guryo looga shakisan yahay inay Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayeen, halkaasoo laga soo uruuriyay tiro dad ah oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka, inkastoo aanan loo soo bandhigin warbaahinta.

Dumar ayaa ka mid ahaa shanta qof ee ay boolisku xireen, kuwaasoo loo taxaabay xabsiga si su’aalo loo weydiiyo. Ma ahan markii ugu horeysay oo uu booliisku fuliyo howlgalo noocaan oo kale ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana howlgalkan uu qeyb ka yahay duullaanka ballaaran ee lagu doonayo in Al shabaab looga sifeeyo guud ahaan dalka.

Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa muhiim u ah ammaanka magaalada Muqdisho maadaama ay marto waddo weyn oo isku xirta caasimadda iyo deegaannada ay Al-Shabaab ka taliso ee koonfurta Soomaaliya.

Waxan halkaas ay dowladdu geysay ciidamado badan oo saldhigyo ku leh duleedka magaalada, waxayna baaritaanno ku saameeyaan gawaarida kala duwan ee soo gasho caasimadda kuwaas oo ka yimaada dhinaca deegaannada ay maamulaan Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed