Howlgalkii labaad oo dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga oo ka dhacay Sh Hoose laguna in ka badan 20 dagaalyahan oo AS ah.

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga Soomaaliya iyo Saaxibada Caalamiga ah oo lagu dilay in ka badan 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al shabaab, sidoo kale waxaa ku jiro hoggaamiyaal sida ay shaacisay dowladdu,  howgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Towfiiq oo hoos yimaada degmada Kunturwaarey ee gobolka Shabeelada Hoose.

“Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Towfiiq ee degmada Kunturwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen in ka badan 20 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Howlgalka ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday Guri ku yaal deegaanka oo ay ku sugnaayeen hoggaamiyaasha Al shabaab ah, sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa xubno kale oo ka tirsanaa isla dagaalyahannada oo la aamisan yahay in ay ku jireen shir.

Waa weerarkii 3-aad oo Al shabaab lala beegsado 24 saac ee la soo dhaafay, kuwaas oo ka kala dhacay Shabeelada Hoose iyo Gobolka Mudug, labo kamid ah ayaa dhacay maanta,  waxaa lagu wadaa saacadaha soo socdo in dowladdu ay faah faahiino dheeraad ah ka bixiso howlgalladaan ay fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamiga ah.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed