Howlgalka Midowga Afrika oo wareejiyay saldhigga Raaga-Ceele haddaba maxay u dhibi kartaa codsigii Soomaaliya ee dib u dhigidda ATMIS seddex bilood

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa maanta oo Arbaca ah ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Saldhigga Howlgalka ee Raaga-Ceele (oo qeyb ka ah dib u habeynta ciidamada ee la dagaalanka Al shabaab.

“Wareejintan waxay ahayd in la sameeyo bishii hore, laakiin sida aad la wada socotaan, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay codsatay in la joojiyo farsamo ahaan dhimista taasoo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu isku raacay,” ayuu yiri Madaxa Saadka ee ATMIS Col. Jean Bosco Sibondavyi oo isagu guddoominayay xafladda xil wareejinta.

Waxa uu intaa ku daray in xil wareejinta “aysan ku xad-gudbin” codsigii Soomaaliya ee ahaa in hakinta farsamo ee dhimista ciidamada ATMIS-ka muddo 90 maalmood ah.

Waxa uu sheegay in ciidamada ATMIS ee guutada 68-aad ay u gudbi doonaan qeybaha kale ee ka tirsan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka si ay uga qeyb qaataan howlgallada ciidan ee wadajirka ah, sidoo kalena ay ka taageeri doonaan ciidamada XDS in ay qabtaan goobaha laga xoreeyay si loo sugo amniga iyo xasiloonida.

Deegaanka Raaga Ceel  oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa gacanta ku haayay Ciidamada Militariga Burundi ee BNDF, kuwaasi oo dusha kala socday ammaanka.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee qeybta qorsheynta kala guurka oo qalab ay Qaramada Midoobay leedahay ku wareejiyay ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.

Dib u habeynta ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya  ayaa la filayaa in ay sii xoojiyaan gulufyada militari ee ka socda gobolka Sh/dhexe oo ciidamada isku dhafka ah ay guulo wax ku ool ah gaaray, islamarkaana Al-Shabaab laga saaray deegaano badan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed