Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u dhac uu ku yimid kadib muddo 3 oo hadda bilaabay dhimista 3,000 kun oo ciidan ah

Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa  dib u billaabay in uu mas’uuliyadda amniga ku wareejiyo ciidamada dowladda Soomaaliya kaddib muddo saddex bilood ah oo hakad la geliyay, sida ay sheegeen saraakiisha.

Howlgalka loo yaqaan ATMIS ayaa lagu wareejiyay amniga Aqalka Madaxtooyada  sidoo kale loo yaqaano Villa Somalia oo uu degan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, ciidamada ayaa la wareegay xarunta golaha shacabka oo aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada.

Ciidamada Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Midowga Afrika ayaa tan iyo sanadkii 2007 waxa ay sugayeen ammaanka goobaha istiraatiijiga ah ee caasimadda, sida madaxtooyada, xarunta baarlamaanka, garoonka diyaaradaha iyo dekedda.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Maxamed El-Amine Souef, ayaa xaqiijiyay inuu dib u bilaabmayo dhimista,isla markaana la soo gabagabeyn doono 31 bishaan December.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed