Howlgal lagu dilay ku dhawaad 50 dagaalyahan oo ka tirsan Al shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Faah faahinno dheeraad ayaa laga helayaa howlgallo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, howlgalladaan ayaa waxaa fuliyay ciidamada dowladda Faderaalka Soomaaliya, waxana lala beegsaday deegaanno ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al shabaab, isla markaana waxaa  la gaarsiiyay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegtay dowladda.

Taliyaha ururka 5-aad ee Kumaandooska ciidamada Danab, Carab Dheeg Axmed oo hoggaaminayay howlgalkaan ayaa sheegay in ay dileen 47 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab, halka ay sidoo kale gaarsiiyeen dhaawacy kale oo aanan la shaacin tiro ahaan, sida uu u sheegay warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada xoogga Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay kordhinayay weerarada ka dhanka ah Al-shabaab ee lagu doonayo inguud ahaan Soomaaliya  looga saaro jiritaanka kooxda.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed