Howgallo xooggan oo dhan ah Al shabaaab ayaa ka dhacay Galgaduud

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Soomaaliya  ayaa howlgallo ka sameeyay degaanno dhowr ah oo Al  shabaab ay ku sugnaayeen kuwaas oo hoostaga dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud .

Degaanada howlgallada laga sameeyey ayaa kala ahaa Ceel Hareeri, Baraagta Sheekh Caamir iyo Cowsweyne waxeyna Bariga kaga began yihiin degmada Galcad.

Ciidanka oo kaashanayey dadka deegaanka ayaa burburiyey fariisimo ay Al shabaab ku lahaayeen deegaanadaas iyaga oo sidoo kale wadooyinka ka soo saaray Miinooyin deegaanada howlgallada laga sameeyey.

Saraakiisha hogaamineeysay howlgalkan ayaa sheegay inay ka war heleen xogta xubino ka tirsan Al shabaab oo isku aruursanayay deegaannada howlgaladaan la laga fuliyay hoos yimaada Galcad.

Muddooyinka dambe degmada Gacalad oo ah furin dagaal waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al shabaab.

HBN NEWS

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed