Howgallo ka dhan Al Shabaab oo ka dhacay Shabeelada Dhexe

Dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay khasaaro kala duwan ay gaarsiiyeen Ururka Al-shabaab howlgallo ka dhacay gobolka Shabeelada dhexe, halkaas oo Al-shabaab ay ku laahayeen fariisimo.

Howlgalka ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay lahaayeen kooxda Al-shabaab, Gadiid iyo Saanad Ciidan kadib markii howlgal qorsheysan ay fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada taageero Soomaaliya.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanno hoos taga degmada Ruunirgood  ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Dowladdu ma aysan faah faahin khasaaraha dhabta ah ee ka dashay howlgalkaas, balse waxay sheegeen in khasaaro ay gaarsiiyeen Al-shabaab howlgalkaasi.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed