Howgallo culus oo ka dhan Al shabaab oo ciidamada dowladdu ka fuliyeen Galgaduud

Ciidamo katirsan dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa howgallo ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxayna cagta mariyeen fariisimo ay la haayeen Ururka Al shabaab, sida ay ku warrameen saraakiisha hoggaamineysay howlgallada.

Deegaannada howlgallada laga sameeyay ayaa  hoos yimaada degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ku sugnaayeen dagaal yahano ka tirsan Al shabaab, deegaannada ay ciidmada millatariga Soomaaliya ay cagta mariyeen waxaa kamid ah: Hilowle Gaab, Ciid Kuus iyo Xusseen Cageey, araay Suuleey, deegaannadaan ayaa kawada tirsan degmada Ceel dheer ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ayaa sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgalladaan Al shabaab loogu xorreynayo halka ay ka joogaan Galgaduud, iyaga oo intaas raaciya in ay raad joogaan raadka xubinihii ka tirsan Al shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa howlgallo ka dhan ah Al shabaab ka fuliyanayay deegaanno ka tirsan maamulkaas.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed