Howgallo cirka ah oo laga fuliyay gobolka Mudug iyo khasaaro ka dashay

Ciidamada Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo cirka ah ka fuliyay deegaanno ku yaal gobolka kuwaas oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, waxan ka dashau khasaaro kala duwan.

Howlgalkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Baraag Cali Gaduud, saraakiisha ayaa sheegeen in howlgalkani lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal khasaare lagu gaarsiyay kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Baraag Cali Gaduud oo ka tirsan gobolka Mudug. Inkastoo tirada rasmiga ah aanan la shaacin.

Weerarkan ciidamada iskaashanaya ka fuliyeen deegaanka Baraag Cali Gaduud oo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug qiyaas ahaan 31 KM dhanka koonfureed kaga beegan ayaa ahaa duqeyn dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday gaadiid ay wateen horjoogayaal  tirsan Al-shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed