Howgallo Ciimada Dowladda ay Ka Fuliyeen Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howgallo xooggam ciimada Gor Gor ay ka sameeyeen gobolka Galduduud, howlgalkaan ayaa ahay mid ka dhan Al-shabaan, waxana lagu burburiyay fariisimo ay lahaayeen. Deegaanno hoostaga magaalada Galcad ayuu ka dhacay howlgalkaan.

Ciidanka ayaa howlgalka ka fuliyey degaanada Baraag Sheekh Caamir, Ceel-dhigtaar, Ceel-ciid iyo deegaano kale, Taliyaha ururka 9-aad ee Gor Gor Dhamme Cabdiwali Axmed Xuseen oo howlgalka hoggaaminayey ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa  mid deegaannada looga saarayay  Al shabaaab  iyo burburinta goobaha ay ku dhuumaaleystaan.

Taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku nool deegaanadaas oo lasoo wadaaga xogta Al-shabaab, sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan waxay u kuur-galeen xaaladda nololeed ee bulshada deegaanadaas.

Muddooyinka dambe Ciimada dowladda ayaa sameynaayay howgallo xooggan deegaannada dhaca koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed