Horjoogo sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay gobolka Baay iyo faah faahin laga bixiyay

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Baay, waxaana howlgalkaas lagu dilay horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Warkooban oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri: “Xuseen Caddow Jilibgaab oo ahaa horjoogaha kooxdan lacagaha baadda ah ka qaada dadka ku nool gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa lagu dilay deegaan u dhaxeeya Mooda Moode iyo Daynuunay ee gobolka Baay”

Taliyaha qeybta 47-aad ee guutada 8-aad ee ciidanka xoogga dalka Axmed Maxamed Nuur Dhegey ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo balan qaaday in howlgaladaasi ay sii socon doonaan.

Dilka Horjoogahaan ayaa kusoo aadaya iyadoo diyaarad aanan duuliye laheyn ay duqeymo ka geysteen xaafado ka tirsan degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in labo qarax oo waaweyn ay ka dhaceen deegaan xudun u ah horjoogayaasha Al-Shabaab ee gobolka.

Khasaaraha ka dhashay weerarkan ayaan weli si rasmi ah loo shaacin, inkastoo wararka ay sheegayaan in Al-Shabaab khasaare uu soo gaaray.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed