Hooyo Dishay Caruur ay Dhashay Magaalada Qardho.

Arrin layaab leh ayaa ka dhacday degmada Qardho ee Puntland kadib markii Haweeney ay dishay 2 Caruur oo ay ay dhashay, waxana ka soo baxaya warar kala sababta Hooyadaan ay u dhishay Caruurteeda.

Ciidanka Booliiska Qardho ayaa xiray Hooyo Ubax Cabdi Cusmaan oo ku eedeysan in ay dishay caruurteedii sida ay sheegeen aan  laamaha Ammaanka Magaalada Qardho.

Ilmaha la dilay ayaa lagu kala magacaabaa Maajid oo ku jiray sannadka 1-aad iyo Maysoon oo aheyd dhallaan  Bil iyo dhowr Cisho dunida joogtay.

Haweeneydaan ayaa haatan ku jiro gacanta Ciidanka Ammaanka waxana ku socdo baaritaanno ilaa iyo hadda faah faahin lagama bixin sababta ay u dishay Caruurteeda.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed