Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo oo war ka soo saaraty taliyihii Ciidanka Somaliland ee Goojacadde Faysal Cabdi Bootaan iyo maxaabiista kale

Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa war cusub ka soo saaray taliyihii ciidamada Somaliland ee taliskii Goojacadde, sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay maxaabiista kale loo gudbinayo  xabsiga magaalada Laascaanood, halka kuwa dhaawaca ahna loo fidinaayo daryeel cafimaad.

“Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu xaqiijinayaa in maxbuus Faysal Cabdi Bootaan ay la wareegeen laamaha amniga iyo cadaallada maamulka SSC-Khaatumo kaddibna la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hoggaanka SSC-khaatumo.

Maamulka waxa uu sidoo kale  sheegay in dhammaan maxaabiistii kale inta bad qabta la geeyey xabsiyada magaalada, halka kuwa dhawaaca ahna lagu daaweenayo cisbitaalada maagalada, isla markaana halkaas lagu daryeeli doono.

Dhanka kale  Maamulka SSC-Khaatumo ayaa caddeyay in ay ilaalin doonaan xuquuqda maxaabiista lagu qabtay dagaalkii duleedka Laascaanood ee Goojacadde, sida ay qabto diinta Islaamka, xeerarka dhaqanka Soomaalida, iyo qawaaniinta Caalamiga ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed