Hoggaan cusub oo loo doortay SSC Khaatumo

Afartan iyo shan xubnood oo noqon doona hoggaanka cusub ee SSC Khaatumo ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxaana la sheegay inay beddeli doonaan guddigii hore ee 33 xubnood ee deegaanadaas maamulayay.

Munaasbad ay ka soo qayb galeen Issimada iyo waxgaradka deegaanka ayaa lagu dhaariyay xubnahan cusub oo hadda ka dib jihayn doona siyaasadda deegaanada SSC Khaatumo.

Aadan Abdilaahi Aw-Xasan oo ahaa ninka ugu da’da wayn golaha cusub ayaa loo doortay inuu sii hayo hoggaaminta ilaa si rasmi ah loo qabanayo doorasho.

Qaar ka mid ah Issimada oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan golahan cusub oo ay sheegeen inay u yaalaan hawlo adag oo ay ka mid tahay sidii deegaanadaas looga saari lahaa ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somailand iyo kuwa deegaanka ayaa tan iyo bishii December ee sanadkii hore waxay ku dagaalamayaan magaalada Laascaanood iyo deegaano kale oo mid ah gobolka Sool.

Warqabadka HBN Online TV  

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed