Hoggaamiyihii gobolka Mudug ee Al shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda

Hoggaamiyihii Al shabaab ee gobolka Mudug ayey dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigtay, kaas oo isku dhiibay ciidanak dowladda xilli uu watay gaari ah nuuca raaxada  iyo Qoriga loo yaqaaan AK-47, waxana  lagu soo bandhigay warbaahinta dowladda, asiga oo la sawiran Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaanno heer Faderaal, heer dowlad-goboleed  iyo saraakiil ciidan, balse dowladdu macluuumaad dheeraad ah kama bixin.

“Horjooge Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo ugu sareeyey Khawaarijta joogta Gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug. Horjoogahaan oo watay Gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ku sugnaa goobtii maanta lagu soo bandhigay hoggaamiyaha

Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur ayaa loo gudbiyay degmada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana lagu wadaa in faah fahin dheeraad ah ay ka bixiso dowladda Soomaaliyya isa soo dhibidiisa , hoggaamiyahaan ayaa kamid ah hoggaamiyaasha ugu saameyn badan gobolada dhexe ee ururka Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed