Horjooge sare oo ka tirsanaa Al shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada isku dhafka ah ee furimaha Galgaduud

Horjooge sare oo ka tirsanaa ururka Al shabaab ayaa isku soo  dhiibay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu soo bandhigay warbaahinta dowladda Soomaaliya,

Mahad Aw cismaan Sabriye oo ahaa Madixii kooxda Al shabaab ee qaabilsanaa degmada Galcada Deeganada Budbud Cowsweyne iyo Masagawaa ayaa isku soo dhiibay Ciidamada xoogga iyo kuwa Difaaca Deeganka ee Macawisleyda kuwaas oo ka howlgala Gobalka Galgaduud.

Hagar Barre oo ah hogaamiyaha ciidamada  macawiisleyda ka howlgala deenada hoostaga degmada Galcad ayaa warbaahinta  u sheegay in horjoogaha isa soo dhiibay uu ahaa shakhsigii ugu sareeyey Al shabaab ee marka la eego deegaannada hoos yimad degmada Galcad ee gobolka.

Muddooyinkii dambe xubno ka tirsanaa Al shabaab ayaa isku soo dhiibayay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugam furimaha hore ee dagaalka ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed