Hoggaamiye sare oo ka soo goostay Al shabaab ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo  Cabdiraxmaan Xiiti Ibraahim oo loo yaqaan Abu Cabdiraxmaan, ayaa Aisku soo dhiibay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor  ee fadhigoodu yahay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, sida ay shaacisay xukuumadda Soomaaliya.

Saraakiisha dowladda ayaa shaaca ka qaaday in sarkaalkan ka soo goostay kooxda uu kaalin hoggaamineed ku lahaa, isagoo 7-dii sano ee lasoo dhaafay kormeerayay deegaannada Nuurdugle iyo Guulane ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Muddooyinkii dambe xubno sare sare oo ka tirsanaa Al shabaab ayaa isku soo dhiibayay ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgallada ka wado koofurta iyo bartamaha Soo aaliya, shalay aheyd markii labo oday beeleed ay ka soo goosteen kooxda Al shabaab iskuna soo dhiibeen ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Mudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed