Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo ku baaqday shir looga hadlayo arrimaha ka taagan maamulkooda iyo Puntland ee dhanka siyaasadda

Cabduqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye Hogaamiyaha Maamulka ee SSC-Khaatumo ayaa ku casuumay dowlad goboleedka Puntland shir looga hadlayo xal u helida mashaakilaadka labada dhinac iyo sidii xal wada jir ah loo gaari lahaa. Firdhiye oo la hadlay warbaahinta ayaa ku nuux nuuxsaday xiriirka soo jireenka ah ee qoyska iyo siyaasadda ka dhaxeeya maamulka SSC Khaatumo iyo Puntland, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in la is ixtiraamo.

Ku dhawaaqida Firdhiye ee arrintaan ayaa waxa ka mid ah wakiilada dhaqanka, siyaasiyiinta, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Inkastoo aan faah faahin gaar ah laga bixin waqtiga iyo goobta uu shirku ka dhacayo, ayaa hadana Firdhiye waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada kulankaan oo uu ku tilmaamay mid muhiim ah in laga wada hadlo danaha guud ee labada maamul.

Wuxuu ka dhawaajiyay  in hadda aysan jirin wax khilaaf ah oo ka taagan gobolka, isagoo xusay in shacabkoodu ay wada tashadeen, isla markaana ay la wareegeen gacan ku haynta maamulkooda. Firdhiye ayaa kula dar daarmay in shacabka SSC-Khaatumo in ay noqdaan kuwa isku tiirsan ee isku tashta.

Isimada SSC-Khaatumo ayaa kadib shir ay dhawaan ku yeesheen magaalada Laascaanood waxay ku shaaciyeen go’aan muhiim ah oo ku aadan in aan wax matalaad ah la siin doonin xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Puntland kuwaas oo ak soo jeeda SSC Khaatumo. Ku dhawaaqida shirkan Firdhiye ayaa ah mid ku qotoma dadaalo ballaaran oo lagu doonayo in lagu xaliyo arrimaha u dhaxeeya SSC-Khaatumo iyo Puntland iyadoo loo marayo wada hadal iyo wadashaqeyn furan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed