Hoggaamiyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo diirada saaray gunta khilaafka Muqdisho iyo Adisa Ababa iyo Ankara oo caddeysay mowqifkeeda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Turkiga Recep Tayyip Erdogan  ayaa kuwada khadka taleefoonka, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya, dadaallada ka dhanka ah argagixisada, iyo arrimaha caalamka iyo gobolka, gaar xiisadda ka soo korortay Muqdisho iyo Adis Ababa.

Intii lagu guda jiray baaqii Jimcihii, Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in Turkiga uu garab taagan yahay Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo in iskaashiga labada dal in uu sii kordho.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri ‘ Madaxweynaha JFS  Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga  Rajab Dayib Ordogan ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya”.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la dhameeyo xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saleysan midnimada Soomaaliya.

Hogaamiyayaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya si looga hortago caqabadaha la wadaago iyo ka qayb qaadashada xasilloonida gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed