Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo fariin u diray madaxda Puntland

Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo C/qaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye ayaa kula dar daarmay madaxda Puntland iyo kooxaha kasoo horjeeda in wada hadal siyaasadeed lagu dhameeyo khilaafka ka taagan doorashada berri.

Firdhiye ayaa rajo ka muujiyay in odayaasha dhaqanka ee Garoowe ku sugan ay soo farageliyaan khilaafka u dhaxeeya siyaasiyiinta si looga hortago khilaaf hor leh oo caqabad ku noqon kara hannaanka dimoqraadiyadda ee dowlad goboleedka.

Hadalka ka soo yeeray madaxda SSC-Khaatumo ayaa ku soo aadaya iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Deni iyo Mucaaradka uu isku badalo gacan ka hadal.

Sabtidii, Catriona Laing, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa booqasho ku tagtay Garoowe, iyadoo la kulantay madaxda maamul goboleedka Puntland oo uu ugu horreeyo Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Karaash.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xaaladda bini’aadantinimo ee gobolka Sool, saameynta roobabka Elnino iyo doorashada Puntland ee soo socota.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed