Hogaamiyaha maamulka Galmudug oo loo soo duuliyay magaalada Muqdisho kadib weerarkii Al-Shabaab ee Laas-Gacamey

Hogaamiyaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qor, ayaa loo soo duuliyay magaalada Muqdisho, ka dib qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Gobolka Mudug.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Cabdi Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in xaaladda caafimaad ee madaxweynaha ay wanaagsan tahay, islamarkaana maalmaha soo socda uu ku sugnaan doono caasimadda.

Qor-Qor ayaa si dirqi ah kaga badbaaday weerar ay Jimcihii Al-shabaab ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla deegaanka Laas-Gacamey ee koonfurta gobolka Mudug. Gaariga la qarxiyay ayaa waxaa ku dhaawacmay labo Xildhibaan.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale  Qeybdiid ayaa dhaawacyo fudud kasoo gaaray weerarka Al-shabaab, iyadoo askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada ay naftooda ku waayeen.

Madaxdaan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay booqanayay ciidamada ku sugan jiidaha hore ee dagaalka, taasi oo qeyb ka ah dadaallada uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu dardargelinayo qorshaha dalka oo dhan looga xoreynayo Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa weerar ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dalka. Maleeshiyada deegaanka ayaa sidoo kale taageero u fidiyay ciidanka, kuwaasoo ay dowladdu sheegtay inay soo gabagabeynayaan wajigii koowaad ee howlgalka oo heer gabo gabo ah maraya.

Inkastoo duulaanka dowladda ay wiiqday awooddii Al-Shabaab ee dhanka dhulka, hadana ma aysan joojin weeraradooda, Al-Shabaab ayaa weeraro culus ku qaada fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed