Hogaamiyaha Khaatumo Oo Shuruud Ku Xiray Siidaynta Maxaabiista Ciidanka Somaliland isla markaana soo bandhigay

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, C/qaadir Jaamac Aw-Cali Firdhiye, ayaa  ka hadlay Shuruudaha lagu sii dayn karo Maxaabiis ka tirsan Ciidanka Somaliland oo lagu qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay Gobolka Sool.

Firdhiye ayaa sheegay in maxaabiista ciidamada Somaliland ay sii deyn doonaan oo kaliya marka heshiis nabadeed oo dhameystiran la gaaro, isla markaana maamulka Somaliland uu joojiyo daandaansiga ay ka wadaan deegaanada la yiraahdo SSC-Khaatumo (Sool, Sanaag, iyo Cayn).

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa ay hadda gacanta ku hayaan in ka badan 229 maxbuus oo ka tirsan ciidamada Somaliland, kuwaas oo ku xiran labo xabsi oo ku yaala magaalada Laascaanood. Waxa uu carabka ku adkeeyay in mid ka mid ah maxaabiista uu u dhintay dhaawac, halka labo kale oo dhaawacoodu halis yahay ay ku wareejiyeen qoysaskooda oo loo soo marsiiyay ICRC.

Bartamihii sanadkan ayay ahayd markii ciidamada SCC-Khaatumo ay ka saareen ciidamada Somaliland deegaanada SSC Khaatumo oo ay labada dhinac ku dagaalamayeen muddo sideed bilood ah. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayey maalin ka dib markii ciidamada SCC ay la wareegeen gacan ku haynta saldhigga ugu weyn ee Somaliland ku leedahay deegaanka Goojacade oo ka baxsan magaalada Laascaanood, ayaa qiray in jab weyn uu ciidamadiisa kala kulmay dagaalkaas.

Somaliland ayaa dhowr jeer ku hanjabtay in ay gacanta markale ku dhigo doonaan deegaannadii looga saaray dagaalkii culusaa ee dhacay sannadkaan, isla markaana dhowr jeer jeedisay hanjabad adag oo ak dhan ah maamulka SSC khaatumo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed