Hirshabeelle oo Tallaabo Ka Qaadeyso Cali Jeyte Sidoo Kalana Shaacisay Sababtii Xilka Looga Qaaday

Maamulka Hirshabeele ayaa jawaab ka bixiyay  tallaabadii uu qaaday guddoomyihii xilka laga qaaday kaas oo qaadacay wareegtadii looga xayuubiyay xilkii u hayay, Madxaweynaha Hirshabeelle ayaa xil-ka-qaadis uu ku sameeyay Cali Jeyte ayaa noqotay mid aanan dhaqan galin taas oo dhalisay hadal heyn xooggan iyo xiisad.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta HirShabeelle Cabdishakuur Shaashaa ayaa shaaca ka qaaday in maamulka uu tallaabo ka qaadi doonaan haddii  guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Cali Jeyte u hoggaansami waayo xil ka qaadista lagu sameeyay, asiga oo xusay in ay qasab tahay in mabaadiida dowladnimada.

Waxaa uu intaas ku daray in qof walbe oo diidan hormarka Hirshabeelle  in ay awood u leeyihiin in ummadda laga qabato, balse inta aysan dhicin middaasi in Cali Jeyte in uu garto una hoggaansamo warqadii looga qaaday xilka.

Wasiir ku xigeenka Hirshabeelle ayaa ka dhawaajiyay in Cali Jeyte ay u arkaan nin mucaaraad ah oo diidan in uu si hufan ula shaqeeyo Maamulka Hirshabeelle, kaas oo sidoo kale diiday in la mideeyo Canshuurta Gobolka Hiiraan iyo midda Hirshabeelle, eedahaas iyo kuwale ayuu u jeediyay Guddomiyihii Gobolka Hiiraan.

Si kastaba, haddalkaan ayaa imaanaya iyada oo shalay shir jaraa’id uu gobolka Hiirraan uu ku qabtay Cali Jeyte kaas oo ku dhawaaqay maamul Cusub oo la yiraah HIIRAAN STATE, sidoo kalana ay go’een Hirshabeelle inteeda kale.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed