Hey’adda Nisa oo gacanta ku dhigtay rag la goostay gaari ay leedahay Jubaland kuwaas oo ka iibsaday Al shabaab

Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland
ayaa maanta soo bandhigtay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed oo sagaalkii bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47 iyagoo ula dhaqaaqay dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe si ay Al shabaab uga iibsadaan, sida lagu sheegay warbixinta ka soo baxday heyd’adda Nisa.

“Ka hor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo waxa ay xiriirro kala duwan la sameeyeen xubno ka tirsan Al shabaab, kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe” sida waxaa lagu yiri qoralka ay faafisay hey’adda Nisa.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri” Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaariga ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay hadda wax walbo waxa ay ku noqotay filan-waa iyo amakaag maadaama uu gacanta ugu jiro hay’adaha amniga. Raggan ku jiro gacanta Nisa ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago dhawaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed