Hey,addaha Ammaanka Kenya oo Heegan La Galiyay Xadka Soomaaliya iyo Dalkaasi.

Dowladda kenya ayaa heegan culus galisay hey’addaha  ammaanka, kadib weerarkii Buul-mareer  ee jimcihii oo ay Al shabaab ku dileen ciidanka Uganda ee ka tirsan howgalka Nabad Ilaalin ee ATMIS, waxa arrintaasi ay dhalisay Foojegnaan dheeraad oo ku aadan in la diyaariyo ciidan horleh oo ka horta waxyeelo lid ku ah ammaanka.

Magaalada Gaarisa iyo magaalooyin kale oo ku yaal xadka Kenya iyo Soomaaliya  Kenya ayaa la soo dhiibay ciidan badan oo ah kuwa ammaanka dalkaasi, kuwaas oo wado howgallo ballaaran oo lagu xaqiijinaayo nabadgalyada gobolka, si looga gaashaanto in weearo Al shabaab soo maleegeen in ay ka dhacaan dalkaasi kenya, gaar ahaan kuwa ku yaal xad labada dal, halkaas dhowr jeer Ururka AL shabaab ay ka fuliyeen weeraro iyo qaraxyo lagu aasay waddooyinka, taas oo wax yeelo ka soo gaareen ciidanka Kenya iyo dad Shacab ah.

Sidoo kale arrintaan ku aadan in heegan ay galaa hey’addaha ammaanka dalkaasi Kenya ayaa ku soo aadeysa iyada oo hishiis laga gaaray in la furo xadka Soonaaliya iyo Kenya taiyo 2011, markaas oo la xiray xuduudka kadib Weeraro Al shabaab ay ka fuliyeen dalkaasi kuwaas oo xuduudka ka gudbay.

Dhanka kale Isbuuc kahor ayey aheyd markii Kenya ay sheegtay in saldhigo waa weyn ka dhiseyso xadka ay Nairobi la wadaagto Muqdisho, kuwaas oo gaaraya ila 14 Saldhig, iyada oo sawiro laga soo qaaday goobahaasi ay muujinayeen Ciidan badan oo la soo dhaabay xadka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed